Oggolaashada qaadista sawir, filin iyo duubiska codka ee xannaanada carruurta ee xannaanooyinka carruuraha ee isticmaala aaladda lagu wada xiriiro ee Vigilo ama MyKid (Somali)

Xannaanada carruurtu waxay u shaqaysaa hab waafaqsan sharciga a iyo xeerarka ka yaalla isticmaalka sawirrada, filimmada- iyo duubista codka ee xannaanada carruurta.

Sawirrada, filimmada- iyo codadka la duubo maxaa loo isticmaalaa?

Xannaanada carruurtu waxay qaaddaa sawirro, filimmaan- iyo codad laga duubo tusaale ahaan xaaladaha maalinlaha ah, safarrada, firfircoonida iyo hawlaha carruurta, iyo xafladaha iyo qabanqaabooyinka.

Sawirrada, filimmada- iyo codadka duuban waxaa dhacda in loo isticmaalo shirarka waalidka, tababbarka, qoraallada, buug-yarayaasha iyo daabacaadaha – iyo ayaga oo qayb ka ah hawlaha barbaarinta ee waaxaha. Waxyaalaha ay xannaanada carruurtu daabacdo inta badan waa dhigitaal. Halkaas oo mararka qaar carruurta la garan karo oo la aqoonsan karo.

Xannaanada carruurtu waxay isticmaashaa meelaha dhigitaalka ah ee soo socda:

  • Bogga internetka ee xannaanada carruurta waxaan ku soo bandhignaa keliya warbixinnada muhiimka ah ee ku socda dhammaan dadka xiiseeyaa xannaanadayada carruurta. Waa bog ay cid walba geli karto. Sawirrada muujinaya wejiyada carruurta kuma daabacno bogga internetka.
  • Aaladda Vigilo kommunikasjon (iyo MyKid xannaanooyinka carruuraha ee kaas isticmaala) waxaan ku soo gudbinnaa wax badan oo ka mid ah nolol-maalmeedka xannaanada carruurta iyo firfircoonida kala duwan ee ay carruurtu ka qaybqaataan. Waalidka ay carruurtu u dhigtaan xannaanada carruurta iyo shaqaalaha xannaanada carruurta oo keliya ayaa geli kara Vigilo kommunikasjon.

Ikhtiyaar u doorasho: Ikhtiyaar ayaa loo dooranayaa oggolaashada isticmaalka sawirrada, filimmada- iyo codka duuban ee xannaanada carruurta iyo/ama daabacaadda internetka. Haddii aadan doonayn in aad oggolaato taasi wax dhib ah uma soo jiidayso ilmahaaga iyo adiga waalidka ah midna.

Muddada: Oggolaashadu waxay soconaysaa ilaa iyo inta uu ilmuhu ka dhammaynayo xannaanada carruurta, ama aad adigu oggolaashada kala laabanayso.

Dib ula laabashada oggolaashada: Mar kasta oo aad doonto ayaad oggolaashada la laaban kartaa, adiga oo aan wax sabab ah bixinayn. Waxaad la laaban kartaa adiga oo xannaanada carruurta farriin ugu soo diraya Vigilo (ama MyKid xannaanooyinka carruuraha ee kaas isticmaala) ama waxaad isticmaali kartaa foomka xiriirka ee aad ka helayso bogga internetka ee xannaanada carruurta. Waxaa kale oo aad samayn kartaa in aad gasho foomka oggolaashada ee dhigitaalka ah kaddibna istillaab saari kartaa in aadan oggolaasho bixinayn. Waxaa sidoo kale muhiim ah in aad xannaanada carruurta afka uga sheegto ama farriin u soo dirto haddii aad wax is-beddel ah samayso.

Farriin muuqata: Si aad oggolaasho u bixiso waa in aad si muuqata foomka ugu calaamadaysaa in aad oggoshahay sawir-qaadid iyo filin- iyo cod duubis. Foomka oggolaashada ayay ku cad yihiin waxa aad oggolaanayso iyo cidda mas’uulka ka ah sawirradda iyo waxyaalaha la duubo. Foomka waxaa lagu kala duwaa isticmaalka xannaanada carruurta dhexdeeda ah iyo waxyaalaha internetka lagu daabacayo.

Qarsoodi ka dhigid: Oggolaashada waxaa loo baahan yahay keliya marka la isticmaalayo macluumaad qofeed (macluumaad lagu garan karo ilmaha gaarka ah). Xannaanada carruurtu inta ugu badan ee suurtaggalka ah ayay xaddidi doontaa in macluumaad qofeed la raaciyo sawirrada, filimaanta iyo codadka duuban ee internetka lagu daabacayo. Marka internetka lagu daabacayo, waxay xannaanada carruurtu dooran doontaa sawirro/filin/cod aan la arkayn wejiga ilmaha.

Tirtiridda sawir, filin- iyo cod duuban: Xannaanada carruurtu waxay leedahay nidaam si joogto ah loogu tirtiro sawirrada, filimaanta- iyo codadka duuban. Xannaanada carruurta kala xiriir warbixin intan ka badan oo ku saabsan nidaamka tirtirista.

Waxaan idin xasuusinaynaa in:

  • Way adag tahay in gebi ahaanba la tirtiro waxyaalo internetka lagu daabacay.
  • Degmada Bergen oo ah unug dawladeed ayay mararka qaar waajib ku tahay in warbixin iyo dukumiinti la geliyo kaydka arkiifiyada. Haddii sawirro loo arko in ay yihiin kuwo mudan in arkiifiyada lagu kaydiyo, waxay taasi keenaysaa in sawirradii aad qaadistooda oggolaatay in la gelin doono kaydka arkiifiyada ee degmada Bergen xataa haddii aad oggolaashada la noqoto. Hal tusaale oo ka mid ah mararka ay degmada waajib ku tahay in sawirrada arkiifiyada lagu kaydiyo ayaa ah haddii sawirradaas lagu daabacay qorshaha sanadka.

Waxyaalo kale

  • Si gaar ah ayay xannaanada carruurtu kuu weydiisan doontaa in ilmahaaga laga qaadi karo sawir, filin- iyo cod duuban
    • si loogu isticmaalo ujeeddooyin saxaafadeed marka ay firfircooni ka jirto xannaanada carruurta
    • si loogu isticmaalo indha-indhayn la xiriirta ilmo gaar ah ama koox ilmo ah
    • marka ay arday goobta lagu meeleeyay doonayaan in ay ilmaha ka qaadaan sawir, filin- ama cod duuban
  • Ilaa iyo inta suurtaggalka ah xannaanada carruurtu ilmaha ayay ka qaybgelin doontaa qiimaynta sawirrada, filinka- iyo cododka duuban ee la isticmaali karo – lamana isticmaali doono sawirro sinnaba ilmaha meel uga dhac ku ah.
  • In kasta oo ay suurtaggal tahay in lala soo dego sawirrada, filimaanta- iyo codadka duuban ee ay xannaanada carruurtu soo dhigto Vigilo/MyKid, waxaan haddana idin xusuusunaynaa in aan kuwaas la sii gudbin karin. Sawirrada waxaa loogu tala galay in ay waalidku kula socdaan nolol-maalmeedka carruurta ee xannaanada carruurta. Sidaas darteed looma baahna in sawirrada lala soo dego oo loo isticmaalo wax ka duwan wixii loogu tala galay, loomana baahna in meelo kale loo sii diro. 

Waajib ma aha in aad soo jawaabto haddii aadan doonayn in aad oggolaato isticmaalka sawirka, filinka-iyo codadka duuban. Haddii aadan soo jawaabin waxaan diiwaangelinaynaa in aadan oggolaasho bixinnin. 

Hal waalid oo ay mas’uuliyadda ilmaha saaran tahay ayaa ku filan in uu ka soo jawaabo oggolaashada.

Xannaanada carruurta ayaa waalidka u soo diraysa linkiga foomka oggolaashada ee elegtaroonigga ah (waa xannaanooyinka carruuraha ee isticmaala Vigilo/Mykid oo keliya). La xiriir xannaanada carruurta ee uu ilmahaagu dhigto, haddii ay jiraan wax aan kuu kala caddayn.